Madaxweynaha Ruushka ayaa ku sugan Beijing si uu kulan ula yeesho hogaamiyaha Shiinaha Xi Jinping, maalmo uun ka dib markii uu booqasho halkaas ku tagay Donald Trump.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa wada saxiixi doona heshiis ku saabsan dhismaha nidaam caalami ah oo “multipolar” ah, iyo kuwo ganacsi oo badan.
La-taliyaha siyaasadda arrimaha dibadda ee Madaxtooyada Ruushka, Yuri Ushakov ayaa sheegay in ilaa 40 heshiis la saxiixi doono guud ahaan, oo ay ku jiraan heshiisyo laba geesood ah oo taabanaya warshadaha, ganacsiga, gaadiidka iyo dhismaha.
Labada hoggaamiye ayaa wadahadallo u gaar ah kaligood yeelan doona, sida uu sheegay Ushakov, halkaas oo la filayo inay ka wada hadlaan dagaalada ka socda Iiraan iyo Yukrayn iyo arrimo kale.
Beijing waxay si isdaba joog ah ugu baaqday dowladaha reer galbeedka inay ka tagaan waxa ay ku tilmaantay “fikirka Dagaalkii Qaboobaa” oo ay aqbalaan doorka Shiinaha ee adduunka iyo awoodaha soo koraya.
Trump oo todobaadkii hore booqasho rasmi ah ku tagay Shiinaha, ayaan ku guuleysan inuu wax heshiis ah la saxiixdo dalkaasi oo uu ganacsi weyn ka dhaxeeyo, iyadoo Madaxweynaha Mareykanka ay safarkiisa ku wehliyeen tujaarta leh shirkaddaha ugu waaweyn ee Mareykanka.



