Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku dhawaaqay xabbad joojin aan la filayn oo saddex maalmood ah oo ka dhacaysa Ukraine 8-10-ka May markaas oo Ruushku u dabbaaldegayo maalintii Guushii uu ka gaaray Nazigii Jarmalka dagaalkii labaad ee Adduunka.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Isniintii ku dhawaaqay xabbad-joojin saddex maalmood ah 8-10ka May dagaalka ay kula jiraan Ukraine si loo xuso sannad-guuradii 80-aad ee guushii Midowga Soofiyeeti iyo xulafadiisa ee dagaalkii labaad ee Adduunka.
Dhanka kale, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa doonaya in xabad joojin joogto ah laga sameeyo dagaalka Ukraine, sida uu sheegay afhayeenkiisa maanta, taasoo muujineysa inuusan u arkin mid lagu qanci karo xabbad joojinta saddexda maalmood ah ee uu ku dhawaaqay hogaamiyaha Ruushka.
“Waxa uu aad uga niyad jabsan yahay hogaamiyayaasha labada dal” sidaa waxaa warbaahinta u sheegtay xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad Karoline Leavitt.
Waxay intaasi raacisay; “Trump wuxuu doonayaa inuu arko xabbad joojin joogto ah, waan fahamsanahay Vladimir Putin, saaka, wuxuu soo bandhigay xabbad-joojin ku meel gaar ah, madaxweynuhu wuxuu caddeeyay inuu doonayo inuu arko xabbad-joojin joogto ah marka hore si loo joojiyo dilka iyo dhiigga daadanaya.”