Putin oo safiir cusub u magacaabay Maraykanka

6 March, 2025

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa u magacaabay Alexander Darcheyev safiirka cusub ee Maraykanka, kadib kulan ay Ruushka iyo Maraykanka yeesheen khamiistii lasoo dhaafay, kaas oo looga hadlay soo celinta safaaradaha labada dal.

Ku dhawaaqista Moscow ee magacaabista safiirkeeda Washington ayaa timid ka dib sannado badan oo labada dal ay “eryeen” diblamaasiyiinta, waxaana barbar socda ansixinta Washington ee dhowaan ay ku ansixisay magacaabista safiirka cusub ee Ruushka.

Diblomaasiyiinta Ruushka iyo Mareykanka ayaa ku kulmay Istanbul -Khamiistii lasoo dhaafay – si ay uga wadahadlaan soo celinta shaqada caadiga ah ee safaaradaha labada dal.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa xilligaasi sheegtay in Washington ay heshiis rasmi ah ku ogolaatay in Darchiyev loo magacaabo danjiraha cusub ee Mareykanka.

Darchiyev, oo hadda haya xilka Madaxa Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ee Waqooyiga Ameerika, ayaa lagu wadaa inuu dhawaan u ambabaxo Washington. Ogow in Moscow aysan ergey u soo dirin Mareykanka tan iyo markii safiirkeedii ugu dambeeyay uu ka tagay bishii Oktoobar ee la soo dhaafay.

Madaxweynaha Ruushka ayaa xaqiijiyay in xiriirkii ugu horeeyay ee uu la sameeyay maamulka dhigiisa Mareykanka, Donald Trump, ay “dhalineyso rajo” marka la eego dib u soo laabashada wadahadalada labada dhinac, kuwaas oo qaarkood ay la xiriiraan “dhameynta” dagaalka Ukraine.

Horseed Media