Putin oo sheegay in xabbad joojinta Ukraine loo baahan yahay inay horseeddo nabad waarta

14 March, 2025

Hoggaamiyaha Ruushka ayaa sheegay inuu taageersan yahay joojinta dagaalka Ukraine, laakiin wuxuu carrabka ku adkeeyay in qodobbada heshiis kasta oo xabbad joojin ah ay tahay in meesha laga saaro “sababaha keenay dagaalka”.

Madaxweynaha Ruushka Putin ayaa sheegay inuu taageersan yahay fikradda xabbad joojinta, balse weli loo baahan yahay in faahfaahin badan laga bixiyo.

Khabiir dhanka ammaanka ah oo lagu magacaabo Dmitri Alperovitch ayaa sheegay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uusan dooneynin inuu diido xabad joojinta uu Mareykanku soo jeedinayo, sababtoo ah wuxuu ugu dambeyntii doonayaa in la soo afjaro cunaqabateynta Mareykanka.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in wada-xaajoodayaasha Mareykanka ay xaqiijin karaan xabbad joojin.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in hogaamiyaha Ruushka Vladimir Putin uu doonayo inuu diido soo jeedinta xabad joojinta ee Mareykanka, laakiin wuxuu ka baqayaa inuu si toos ah ugu sheego madaxweyne Donald Trump.