Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa u sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araghchi, in ay gacan kasiin doonaan sidii loo soo afjari lahaa dagaalka Bariga Dhexe.

Araghchi ayaa Isniintii kulan kula yeeshay Putin magaalada St. Petersburg, halkaas oo madaxweynaha Ruushka uu diblomaasiga Iiraan u sheegay inuu rajaynayo in xaaladdu si degdeg ah ugu jihaysato dhinaca nabadda.
Ruushka, oo xulafo dhow la ah Iiraan, ayaa illaa hadda ka fogaaday in si toos ah uga qeyb qaato colaadda Bariga Dhexe, maadaama ay xooga saarayaan duullaankooda Ukraine.
Putin ayaa taageero u muujiyey Iiraan, isaga oo sheegay inuu rajaynayo in nabad la gaaro, isla markaana uu aaminsan yahay in dalkaasi uu ka gudbi doono “xilligan adag” ee dagaalka, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee dowladda Ruushka ee RIA.
“Dhankeena, waxaan sameyn doonnaa wax kasta oo u adeegaya danihiinna, danaha dhammaan dadka gobolka, si nabad loo gaaro sida ugu dhaqsaha badan,” ayay RIA soo xigatay Putin isagoo sidaas ka sheegay kulankiisii uu la yeeshay Wasiir Araghchi.
Araghchi ayaa Isniintii gaaray Ruushka kaddib safarro uu ku tagay Pakistan iyo Cumaan, kuwaas oo kamid ah dalalka dhexdhexaadiyaasha ah, si uu ugalla hadlo xaaladda gobalka, xilli dadaallada nabadeed ee u dhexeeya Tehran iyo Washington ay weli hakad ku jiraan.



