Moscow — Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump u gudbiyay mowqifka Iran ee ku aaddan shuruudaha lagu soo afjari karo dagaalka, sida uu sheegay Aqalka Kremlin-ka.

Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa sheegay in Putin, isagoo la tashanaya Madaxweynaha Iran, uu Trump gaarsiiyay aragtida dhinaca Iran ee ku saabsan xal laga gaari karo colaadda.
“Iyadoo la kaashanayo madaxweynaha Iran, Putin wuxuu Trump u gudbiyay aragtida dhinaca Iran ee ku aaddan xal suuragal ah oo laga gaaro colaadda,” ayuu Peskov yiri, sida ay tabiyeen warbaahinta Ruushka.
Dhanka kale, Trump ayaa Jimcihii sheegay inuu heshiis la gaaray Putin, kaas oo u oggolaanaya Ruushka inuu bilaha soo socda dhoofiyo in ka badan hal milyan oo tan oo naafto ah, inkastoo ay jiraan cunaqabateyn Mareykanku saaray Ruushka.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in heshiiska uu u galay dadaal lagu doonayo in hoos loo dhigo qiimaha shidaalka ee caalamka, kaas oo sare u kacay kadib dagaalka u dhexeeya Mareykanka & Israa’iil iyo Iran.
Hadalka Kremlin-ka ayaa ku soo beegmaya xilli dadaallo diblomaasiyadeed oo ku aaddan sidii loo heli lahaa xal colaadeed ay socdaan, iyadoo Iran ay mowqifkeeda ku saabsan joojinta dagaalka u gudbisay dhinacyada ay khuseyso.




