Ergayga Madaxweyne Donald Trump ayaa magaalada Moscow kula kulmay hogaamiyaha Ruushka muddo saddex saacadood ah, si ay uga wadahadlaan sidii xal looga gaari lahaa dagaalka Ukraine.

Ergayga Madaxweyne Donald Trump, Steve Witkoff, ayaa Aqalka Kremlin ee magaalada Moscow kula kulmay Madaxweyne Vladimir Putin, si ay uga wadahadlaan soo jeedinta Mareykanka ee ku aaddan joojinta dagaalka Ukraine.
Kaaliyaha siyaasadda arrimaha dibadda ee Kremlin Yuri Ushakov, oo ka qeyb galay kulanka ayaa ku tilmaamay mid wax dhisaya oo faa’iido badan leh.
Dhanka kale, duqa magaalada Kyiv ayaa soo jeediyay in Ukraine laga yaabo inay u baahato inay bixiso dhul si ay nabad ku meel gaar ah ula gaarto Ruushka.
Hadalka Vitali Klitschko ayaa yimid kadib weerar lagu hoobtay oo lagu qaaday caasimadda Ukraine.



