Putin: Xiriirkeena Shiinaha wuxuu gaaray ‘heerkii u sarreeyay’

20 May, 2026

Madaxweyneyaasha Xi Jinping iyo Vladimir Putin ayaa mid walba ammaanay xiriirka laba geesoodka ah ee dalalkooda intii uu socday booqashada hoggaamiyaha Ruushka uu ku tagay Beijing.

Putin ayaa u sheegay Madaxweynaha Shiinaha Xi, in Ruushku uu yahay ‘iibiyaha shidaalka oo la isku halleyn karo’ iyadoo ay jirto xiisadda Bariga Dhexe, isla markaana uu diyaar u yahay inuu sii wado siinta tamarta Shiinaha.

Putin ayaa sidoo kale ku casuumay Xi inuu booqasho dib ugu soo laabto Ruushka sanadka soo socda.

Xi iyo Putin ayaa kala saxiixday heshiis wadajir ah oo ku saabsan xoojinta isku-dubaridka istiraatiijiyadeed.

Bayaan wadajir ah, Ruushka iyo Shiinuhu waxay ku sheegeen in adduunku uu halis ugu jiro inuu ku laabto “fowdo.”

“Ajandaha nabadda iyo horumarinta caalamiga ah wuxuu wajahayaa khataro iyo caqabado cusub, waxaana jira khatar ah kala qaybsanaanta bulshada caalamka iyo ku laabashada ‘sharciga kaynta’,” ayaa lagu yiri warka ay sida wadajir ah usoo saareen Shiinaha iyo Ruushka.

“Isku dayo ay sameeyeen dhowr dowladood oo doonaya in si keli ah u maamulaan arrimaha caalamka, danahoodana kusoo rogaan adduunka oo dhan, isla markaana xaddidaya horumarka madaxbannaan ee dalalka kale, iyadoo la raacayo dhaqankii xilligii gumeysiga, waana fashilay isku daygaasi,” ayey yiraaheen. Hadalkan oo u muuqday mid lagu durayo Mareykanka, walow ayaan si toos ah loo magacaabin dalkaasi.

Booqashada Putin ee Shiinaha ayaa lagu soo beegay maalmo kadib markii uu dalkaasi booqday Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo isagu aan ku guuleysan inuu wax heshiisyo cusub ah la galo Shiinaha.