Puuntland oo awaamiir ka soo saartay dhibaatooyin ka taagan Karkaar iyo Haylaan.

29 November, 2025

Maamulka gobolka iyo Taliska qaybta booliska gobolka Karkaar ayaa soo saaray awaamiir la xiriirta sugidda amniga…

Maamulka gobolka iyo Taliska qaybta booliska gobolka Karkaar ayaa soo saaray awaamiir la xiriirta sugidda amniga iyo ilaalinta deegaanka, xilli abaarta kajirta Puntland sababtay in laysugu guuro deegaamada qaar.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Karkaar G/Sare Xuseen Cali Maxamuud iyo Guddoomiyaha gobolka Karkaar Cabdi Siciid Cismaan oo la hadlay reer guuraa ku sugan deegaamo katirsan xuduudka gobolada Karkaar iyo Haylaan ayaa shacabka ugu baaqay ilaalinta deegaanka.

“Waxaa soo batay aqalada dooxooyinka looga guuraayo, seeraynta dhulka, dhuxul iyo ugaar lalaynayo, cidkasta oo wadda ama madaxa ku haysa tallaabaa laga qaadi doonaa haka waantoobaan”, Ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Karkaar Cabdi Siciid Cismaan.

“Qofkii dembi gala xoolo ha wado, ugaar ha dilo ama gaari ha wado waa in ciidanka ammaanka loo soo gudbiyaa meeshuu joogo ayaa ciidanku ku qaban doonaan Karkaar ama Haylaan midkuu doono ha noqdee, qaadku wuxuu noqday masiibo deegaanka iyo dadkiiba dhib ku haya Khamrigii ayaa ku xiga waxaa dhacday inta Geeljire cabbeen inay awrtii siiyeen, deegaanka lama keeni karo”, Ayuu yiri G/Sare Xuseen Cali Maxamuud.