Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday nidaam cusub oo lagu adkeynayo isticmaalka baasaboorka iyo aqoonsiga muwaadiniinta…

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday nidaam cusub oo lagu adkeynayo isticmaalka baasaboorka iyo aqoonsiga muwaadiniinta kadib shir heer sare ah oo lagu qabtay xarunta dhexe ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ).
Shirka oo uu guddoomiyay Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa lagu magacaabay Wada Shaqeynta iyo Sare u Qaadista Sumcadda Baasaboorka Soomaaliyeed, Waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin ka socday HSJ iyo Hay’adda Diiwaangelinta Dadweynaha iyo Aqoonsiga Qaranka (NIRA).
Intii uu socday shirka waxaa lagu go’aamiyay in laga bilaabo 1-da September 2025 qof kasta oo dalbanaya baasaboorka Soomaaliyeed looga baahan doono inuu haysto Kaarka Aqoonsiga Qaranka. Waxaa sidoo kale la sheegay in aan la aqbali doonin codsi aan kaarkaasi la socon.
Sidoo kale, laga bilaabo 1-da January 2026 dhammaan dadka gudaha dalka ku safaraya waxaa looga baahan doonaa inay wataan Kaarka Aqoonsiga Qaranka si loo xaqiijiyo xogtooda shaqsiga ah, Tani waxay qayb ka noqon doontaa hab lagu mideeyo diiwaangelinta muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Dowladdu waxay sheegtay in nidaamkan cusub uu qeyb ka yahay qorshaha lagu dhisayo hay’ado casri ah iyo nidaam amni oo lagu kalsoonaan karo. Waxaa sidoo kale la tilmaamay in tallaabadani ay sare u qaadi doonto sumcadda iyo kalsoonida baasaboorka Soomaaliyeed, iyadoo la jaanqaadaysa heerarka caalamiga ah ee socdaalka.
Puntland ayaa horay deegaanada ay maamusho uga mamnuucday inuu soo gaaro diwaangelinta aqoonsiga Qaranka sababo la xiriir is-haysi siyaasadeed waxaa maamulka uga digay shacabka qaadashada kaarkan oo Gaalkacyo dhanka Galmudug laga qaato tana waa mid saamayn doonto xafiisyada bixiya Baasaboorada ee ka furan gudaha Puntland.




