Bulshada deegaamada Shimbiraale, Degma khayr iyo Daaru Salaam ee gobolka Sanaag ayaa si iskood ah ugu…

Bulshada deegaamada Shimbiraale, Degma khayr iyo Daaru Salaam ee gobolka Sanaag ayaa si iskood ah ugu dhaawaaqay go’aamo ay ku ilaalinayaa bilicda iyo ammaanka deegaanka.
Qaar kamid ah waxgaradka deegaamadaasi oo kulan yeeshay ayaa waxa ay shaaciyeen in guud ahaanba deegaamadooda ay ka mamnooceen jirista dhirta, shidista dhuxusha iyo noocyada kala duwan ee Maandooriyaha.
Go’aamadaan ayaa lagu saleeyey ka hortegista xaalufka deegaanka oo dhuxusho kaalin weyn ka qaadato iyo isticmaalka maandooriyaha Khamriga oo deegaamada qaar ka abuuray ammaan xumo iyo dhaqammo fasahaad ah.
Gobolada Sanaag iyo Haylaan ayaa muddo dheer ahaa isha dhuxusha ugu badan ee deegaamada Puntland waxaana sanadihii dambe socdey dedaalo lagu joojinayo gubisteeda iyo ka ganacsigeeda intaba.



