Qaar kamid ah dalalka Carabta ayaa siweyn u taageeray qorshaha Madaxweynaha dowladda Maraykanka Donald Trump ee…

Qaar kamid ah dalalka Carabta ayaa siweyn u taageeray qorshaha Madaxweynaha dowladda Maraykanka Donald Trump ee ku aaddan joojinta coladda labada sano ka socota Marinka Gaza.
Qoraal ka soo baxay Wasaaradaha arrimaha dibadda dalalka Qatar, Urdun, Imaaraadka Carabta, Indonesia, Pakistan, Turkiga, Sacuudi Carabiya iyo Masar ayaa soo dhoweeyay dadaallada daacadnimada leh ee Madaxweynaha Mareykanka uu ku doonayo inuu ku soo afjaro dagaalka Gaza.





