Qaar kamid ah dalalka reer Yurub ayaa qaadacay ka qaybgalka dagaalka ka socda Bariga dhexe oo…

Qaar kamid ah dalalka reer Yurub ayaa qaadacay ka qaybgalka dagaalka ka socda Bariga dhexe oo uu Maraykanku ku riixayey inay ku soo biiraan, si meesha looga saaro awoodda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.
Dalalka Spain & Talyaaniga ayaa si cad u diiday in ay diyaaradaha Mareykanka ee qeybta ka ah dagaalka Iran ay ku soo dagaan garoomada ama ay isticmaalaan hawadooda inta ay howlgalkan qeybta ka yihiin.
Dhankiisa dalka Ruushka oo ka soo horjeestey duulaanka lagu qaaday Iran ayaa sheegay in lagalay dagaalkii saddexaad ee adduunka uuna usii gudbayo xuluufooyin ballaaran haddii uusan Maraykanku joojin tallaabooyinkiisa qaldan.
“Waxa aan hadda markhaatiga ka nahay waxay leeyihiin dhammaan calaamadaha muujinaya inuu u weecanayo dagaal ballaaran, qaarkoodna waxaan durba ugu yeeri karnaa Dagaalkii Saddexaad ee Adduunka.”Sergey Lavrov oo ah wasiirka arrimaha dibada ee Ruushka ayaa sidaas sheegay.



