Qaar kamid ah shacabka Baydhabo oo banaan-baxyo ka dhigay Magaalada.

17 April, 2026

Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka u ah maamulka Koonfur Galbeed Somalia waxaa maanta ka dhacay…

Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka u ah maamulka Koonfur Galbeed Somalia waxaa maanta ka dhacay dibad-bax looga soo horjeedo diidmada lacagta shilling Soomaaliga ee ganacsatada Magaaladaasi.

Dibad-baxayaasha oo soo buux dhaafiyey qaybo kamid ah waddooyinka Magaalada ayaa watey boorar ay ku xardhan yihiin “Dollar dooni meyno, lacagteena ayaan rabnaa” iyo hal ku dhigyo kale oo ay ku muujinayaan doonistooda lacagta Soomaaliya.

Taliyaha Booliska Gobolka Baay, Gaashaanle Dhexe Sadiiq Aadan (Doodishe), oo goobta bannaanbaxa ka hadlay, ayaa ku amray ganacsatada Magaalada Baydhabo inay si buuxda u qaataan Shilinka Soomaaliga, isagoo uga digay in cid kasta oo diida laga qaadi doono tallaabo sharci ah.

Lacagta shilling Soomaaliga ayaa horay looga diidey inta badan gobolada dalka, iyadoo Koonfur Galbeed iyo Muqdisho yihiin goobihii ugu dambeeyey ee laga diidey, xilli aysan dowladda Soomaaliyeed hayn qorshe wax looga qabanayo arrintaani, maadaama lacag daabicidda ay gaar u leedahay dowladda dhexe.