Qaar kamid ah xisbiyada siyaasadda ee Puntland ayaa si adag uga horyimid Heshiiska Is-afgarad ee Somaliland…

Qaar kamid ah xisbiyada siyaasadda ee Puntland ayaa si adag uga horyimid Heshiiska Is-afgarad ee Somaliland & Puntland, iyaga oo ku sifeeyey mid keliya u adeegaya danaha Somaliland hoosna u dhigey maqaamka Puntland.
Baarlamanka Puntland ayey xisbiyadu ugu baaqeen in ay baadhitaan ku sameeyaan heshiiska, maadama uu jebiyey dastuurka Puntland sida ay war-murtiyeedka ku sheegeen.
“Waxaan u aragnaa taageerada aaya ka talinta maamulka Somaliland mid xad-gudub ku ah sharciga, waxayna ka hor imaanaysaa ujeedada ugu weyn ee loo aasaasay Puntland: horumarinta midnimada Soomaaliya,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.





