Qaar kamid ah xubnaha golaha Mustaqbalka oo ka dhoofaya Muqdisho.

25 February, 2026

Inta badan xubnaha golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee ka qaybgalayey shirkii Villa Somalia ayaa maanta ka dhoofi…

Inta badan xubnaha golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee ka qaybgalayey shirkii Villa Somalia ayaa maanta ka dhoofi doona Magaalada Muqdisho, kadib burburkii shirka.

Xubnahaan oo uu ugu miisaan culus yahay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa u dhoofi doona Garoowe, Kismaayo iyo Nairobi oo ay horay siyaabo kala duwan uga yimaadeen.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ballamay inay shir isugu yimaadaan Ramadan kadib, iyagoo xilligaasi ka shiri doona xaaladda dalka iyo go’aamada ay ka qaadan doonaan arrimaha doorashooyinka.

Dowladda Somalia oo mucaaradka ku eedaysay fashilinta shirka ayaa sii wadda waxka beddelka dastuurka kumeel gaarka ah ee dalka oo kamid ah qodobada keenay khilaafka ka aloosan dalka.