Qadar oo adduunka uga digtey ka laba-labaynta ciqaab la marsiiyo Israel.

Ra’iisul wasaaraha Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa sheegay in weerarkii Israel ay ku…

15 September, 2025

Ra’iisul wasaaraha Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa sheegay in weerarkii Israel ay ku qaaday Doha usbuucii hore uu ahaa “fal argagixiso dowladeed”, isagoo ku booriyay beesha caalamka inay joojiyaan adeegsiga laba-labaynta ayna ku ciqaabaan Israel dambiyada ay gashay.

“Ku xadgudubka joogtada ah ee Israa’iil ee sharciga caalamiga ah waxay caddaynaysaa weerarka ka dhanka ah Doha – waxaana lagu tilmaami karaa argagixiso dawladeed,” Ayuu RW AI Thani.

RW Qadar ayaa intaasi ku daray in weerarkii Israa’iil ee ka dhanka ahaa hogaamiyayaasha Xamaas ee Dooxa uusan horseedi doonin wax aan ahayn dadaallo lagu doonayo in lagu xakameeyo xiisadda.

Al Thani ayaa hadalkan ka sheegay khudbad uu ka jeedinayay shirka diyaarinta ah ee shir-madaxeedka Carabta iyo Islaamka ee ka dhacay magaalada Doxa Isniintii isagoo ka jawaabaya duqeymaha Israa’iil ee ka dhanka ah hoggaamiyeyaasha dhaqdhaqaaqa iska caabinta Falastiin ee Xamaas ee ka dhacay Dooxa 9-kii Sebtembar.