Ka dib markii uu bilowday dagaalkii Mareykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iiraan 28-kii Febraayo, Tehran ayaa gebi ahaan xirtay marin biyoodka, taasoo keentay in maraakiibtu ay halkaasi xayirmaan.

Hay’adda Caalamiga ah ee Baddaha ee Qaramada Midoobay (IMO) ayaa bilowday daadgureynta in ka badan 11,000 oo badmaaxiin ah oo ku xayiran Gacanka Hormuz kadib markii heshiis is-afgarad ah ay kala saxiixdeen Mareykanka iyo Iiraan si loo soo afjaro dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Iiraan.
Xoghayaha Guud ee IMO Arsenio Dominguez ayaa hadal uu soo saaray Talaadadii ku sheegay in howlgalka lagu fulin doono “iskaashi dhow oo lala yeesho Iiraan, Cumaan, dhammaan dalalka kale ee xeebaha ku yaal gobolka, Mareykanka iyo shirkaddaha maraakiibta”.
Laakiin tiradda maraakiibta ka gudbaya marinka Hormuz wuu kordhay tan iyo markii la saxiixay heshiiska kumeel gaarka ah usbuucii hore, iyadoo hay’adda Xogta Gaadiidka badda ee Kpler ay sheegtay in ugu yaraan 36 markab ganacsi ay ka gudbeen marin biyoodka Isniintii, taasoo ah tiraddii ugu badneyd ee gaadiidka halkaas mara tan iyo markii dagaalku bilaabmay.
Sida laga soo xigtay Wasaaradda Difaaca ee Cumaan, geeddi-socodka daadgureynta ee hoos yimaada qorshaha IMO, kaas oo muddo bilo ah laga doodayay, ayaa loo fulin doonaa qeyb-qeyb.



