Volker Turk oo ah madaxa Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka ayaa walaac xooggan ka muujiyay masaafurinta Thailand ee 40 ka tirsan qowmiyadda Uyghur ee Shiinaha, isagoo ku tilmaamay mid xadgudub ku ah shuruucda caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.

“Tani waxay jebisay mabda’a dib-u-celinta oo ay jirto mamnuucid buuxda marka ay jirto khatar dhab ah oo jirdil, si xun loola dhaqmo, ama waxyeelo kale oo aan laga soo kaban karin marka ay soo laabtaan,” Turk ayaa ku yiri hadal uu soo saaray.
Nimanka la tarxiilay ayaa Thailand ku xidhnaa tan iyo bishii March 2014 iyagoo xaaladdoodu liidato tiro ka mid ah xarumaha socdaalka.
Shan qof oo ka tirsan kooxda ayaa ku dhintay xabsiga, halka siddeed kalena ay weli xabsiga ku jiraan.
Turk ayaa ku dhaleeceeyay mas’uuliyiinta Thailand inay ka gaabiyeen ilaalinta waajibaadka ka saaran sharciga caalamiga ah.
“Xafiiskaygu wuxuu ku booriyay, si isdaba joog ah, mas’uuliyiinta Thailand inay ixtiraamaan waajibaadka ka saaran sharciga caalamiga ah ee la xidhiidha shakhsiyaadkan u baahan ilaalinta caalamiga ah,” ayuu yidhi.
Turk ayaa sidoo kale ugu baaqay Shiinaha inay shaaciyaan halka ay ku danbeyn doonaan Uyghurs la tarxiilay.
“Hadda waa muhiim in mas’uuliyiinta Shiinaha ay sheegaan halka ay ku sugan yihiin, oo ay hubiyaan in loola dhaqmo si waafaqsan heerarka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha,” ayuu yidhi.
Wuxuu kaloo ku booriyay Thailand inay joojiso masaafurinta mustaqbalka ayna dammaanad qaado ilaalinta maxaabiista harsan, oo ay ku jiraan qaxootiga iyo magangelyo-doonka, iyadoo la raacayo sharciga caalamiga ah.
Horseed Media