Qaramada Midoobay oo si rasmi ah ugu dhawaaqday macaluusha ka jirta Gaza

Hay’addaha Qaramada Midoobay oo markii ugu horeysay si rasmi ah ugu dhawaaqday macaluusha ka jirta Gaza.

22 August, 2025

Nidaam Qaramada Midoobay ee loo isticmaalo in lagu go’aamiyo helitaanka cuntada ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay macaluusha ka jirta Gaza, iyagoo sheegay in in ka badan nus malyuun Falastiiniyiin ah ay wajahayaan xaalado macluul daran iyo dhimasho.

Laba qof oo Falastiini ah ayaa gaajo ugu dhintay Gaza 24-kii saac ee la soo dhaafay, sidoo kale 71 qof ayaa lagu dilay weerarrada Israa’iil ee maanta, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka.

Xasuuqa Israa’iil ee Gaza waxa lagu dilay ugu yaraan 62,263 qof, waxaana ku dhaawacmay 157,365.

Hay’adda Oxfam ayaa sheegtay in ku dhawaaqista UNta ee macluusha ka jirta magaalada Gaza ay xaqiijinayso waxa ay hay’adda samafalka iyo la-hawlgalayaasheeda ay goob joog ka ahaayeen bilihii lasoo dhaafay, waxayna ku baaqday in si degdeg ah gargaarka loo oggolaado dhulkaas.

Xaqiijinta macaluusha UNta ee Gaza “waxay ceeb ku tahay adduunka oo dhan”, ayay tiri hay’adda samafalka ee Islamic Relief.

Philippe Lazzarini, oo ah madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan falastiiniyiinta, UNRWA, ayaa sheegay in “bilihii lasoo dhaafay ay soo saarayeen digniino balse laga jawaabi waayey”, laakiin macluusha ayaa hadda la xaqiijiyay magaalada Gaza iyo nawaaxigeeda, waa “waqtigii go’aan dhab ah la qaadan lahaa” si loo soo afjaro, ayuu yiri.