Hawlgalka siyaasadeed ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa maanta oo Sabti ah, 31-ka October 2026,…

Hawlgalka siyaasadeed ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa maanta oo Sabti ah, 31-ka October 2026, si rasmi ah u soo gabagabeynaya shaqadiisa, kaddib markii uu dhammaaday muddadii labada sano ahayd ee loogu talagalay kala-guurka iyo wareejinta waajibaadkii uu hayay, inkastoo aysan tallaabadaasi soo afmeeri doonin shaqooyinka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.
Xafiiskaan ayaa la aasaasay 30-kii October 2024, kaddib markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ansixiyey qaraarka tirsigiisu yahay 2753, waxaana uu shaqada si rasmi ah u bilaabay 1-dii November 2024, isagoo beddeley UNSOM (United Nations Assistance Mission in Somalia) oo la aasaasay 3-dii June 2013, kaas oo muddo ka badan 11 sano ka shaqeynayay taageerada siyaasadeed, dib-u-dhiska dowladnimada iyo nabadeynta Soomaaliya.
UNTMIS ayaa waajibaadkiisu ahaa taageerada dhismaha dowladnimada, dib-u-eegista dastuurka, dadaallada doorashooyinka xor iyo xalaasha ah, dib-u-heshiisiinta siyaasadeed, ilaalinta xuquuqda aadanaha, horumarinta sharciga iyo garsoorka, taageerada hay’adaha amniga iyo isku-duwidda taageerada deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah.
Xiritaanka UNTMIS ayaa qayb ka ah qorshe kala-guur oo ay si wadajir ah u diyaariyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, kaas oo ujeeddadiisu ahayd in mas’uuliyadaha hawlgalka si tartiib-tartiib ah loogu wareejiyo hay’adaha dowladda Soomaaliya, xafiiska isku-duwidda Qaramada Midoobay ee dalka iyo hay’adaha kale ee ay khuseyso, iyadoo ujeedadu tahay in Soomaaliya ay xilligaan dareento lahaanshaha mas’uuliyadda nabad-dhisidda iyo dowlad-dhisidda.

Dhanka amniga, ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya ayaa lagu bilaabay qorshe dib-u-habayn iyo dhimista joogitaankooda, iyadoo mas’uuliyadda amniga si tartiib ah loogu wareejinayo ciidamada dowladda Soomaaliya, iyadoo Ciidamada Uganda oo ahaa kuwii ugu horreeyey ee magaca AMISOM ku yimaada Soomaaliya 2007 gacantana ku hayey xafiisayda dowladda, garoomada, dekedo iyo goobo muhiim ah ay bilaabeen in qaybo kamid ah dib loogu celiyo dalkooda.
Hirgelinta go’aankaan ayaa yimid kadib markii 29-kii October 2026, uu Taliyaha Ciidanka Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, shaaciyey in ciidamadooda ay bilaabeen inay Soomaaliya ka baxaan, kaddib ku dhowaad 20 sano oo ay dalka ka howlgaleen, iyadoo maalintii xigtay oo ahayd 30-ka October, ay Muqdisho ka ambabexeen ciidankii ugu horreeyey oo ka kooban 109 askari oo Uganda ah, sida ay baahiyeen warbaahinta Uganda.
Uganda ayaa muddo dheer ahayd dalka ugu badan ee ciidamada ka geeya hawlgallada Midowga Afrika ee Soomaaliya, waxaana ciidamadeedu ka qaybqaateen howlgalladii AMISOM, ATMIS iyo AUSSOM, iyadoo bixitaankooda loo sababeeyey dhaqaale yarida soo wajahdey hawlgalka kadib markii la waayey dhaqaalihii caalamku ku taageeri jirey sugidda ammaanka Soomaaliya.





