Qaramada Midoobay oo u codeysay in Israa’iil ay ka baxdo Gaza iyo Daanta Galbeed

Ergooyinka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay qaraarro ay ku dalbanayaan in Israa’iil ay joojiso qabsashada dhulalka Falastiin iyo Buuraha Golan.

3 December, 2025

Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa Talaadadii ansixiyay laba qaraar oo faraya Israa’iil inay ka baxdo Daanta Galbeed iyo Qaza iyo sidoo kale Buuraha Golan ee Suuriya.

Labada qoraalba waxaa la ansixiyay iyadoo aqlabiyad badan ay ka soo horjeedaan mowqifka dhul-boobka ee Israa’iil.

Qaraarka ayaa ku celinaya in Israa’iil ay ka baxdo dhammaan dhulka Falastiiniyiinta ee ay haysatay tan iyo 1967, wuxuuna ku celinayaa xuquuqda Falastiiniyiinta ee go’aan-qaadashada iyo xal caddaalad ah oo loogu talagalay qaxootiga.

Qaraarkii ugu horreeyay, “Xallin nabad ah oo ku saabsan arrinta Falastiin,” ayaa lagu ansixiyay 151 cod, 11 diidmo iyo 11 ka aamusnaan. Wuxuu qaraarkan ku baaqayaa dadaallo degdeg ah oo lagu doonayo in dib loo bilaabo wadahadallada dhammaan arrimaha kama dambaysta ah, wuxuuna ku boorrinayaa in shir caalami ah lagu qabto Moscow si loo sii ambaqaado heshiis nabadeed oo dhammaystiran.

Qaraar labaad oo la yiraahdo “The Syrian Golan,” ayaa lagu ansixiyay 123 cod, 7 ka soo horjeestay iyo 41 ka aamusay. Qaraarka oo tallaabadii Israa’iil ee 1981 ay kula wareegtay dhulkaasi mid aan waxba ka jirin, wuxuuna ku baaqayaa in go’aankaas la beddelo, waxaana la dalbanayaa in Israa’iil ay ka baxdo xuduudda ay la leedahay Suuriya sannadkii 1967.