Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ayaa Jimcihii sheegay in falalka Israa’iil ee Gaza ay yihiin kuwa lagu garto dambiyada arxan darada ah.

Jens Laerke, oo ah afhayeenka xafiiska Qaramada Midoobay ee magaalada Geneva, ayaa intaa ku daray in waxa dhacaya ay ka tarjumayaan duullaanka qaawan ee lagu hayo nolosha iyo sharafta bani’aadamka.
Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ku eedaysay Israa’iil in ay ka hor istaagtay in ay qaybiso raashinka gargaarka ah ee ku haray bakhaarrada ay ku leedahay gudaha marinka Qasa, taas oo ay u dheertahay in ay ishortaagtay in la soo galiyo daawooyin iyo agabyo caafimaad.
Hay’adda caalamiga ah ee Bisha Cas ayaa xaqiijisay in gaadiidka gurmadka deg-degga ah ee Marinka Qasa ay noqdeen kuwo aan shaqayn karin, sababo la xiriira shidaalkii oo gabaabsi noqday, iyagoo ka digay in ciqaabta wadajirka ah ee lagu soo rogay Qasa ay tahay mid aan cudur daar ahayn, isla markaana sii qoto dheereysa masiibada bini’aadantinimo ee dadka ay la il daran yihiin.
Waxa ay sidoo kale shaacisay in 9 ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ay ku waayeen meel ku dhow isgoyska Rafah, iyadoo aan weli wax war ah laga helin halka ay ku dambeyn doonaan.
Horseed Media



