Qaramada Midoobey & China oo cambaareeyey Israa’iil.

19 March, 2025

Ugu yaraan 14 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarro habeenimo xalay ay Israa’iil ku qaadday koonfurta…

Ugu yaraan 14 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarro habeenimo xalay ay Israa’iil ku qaadday koonfurta Gaza ee Khan Younis iyo Rafah, sida ay ku waranta warbaahinta caalamiga ah ee Aljazeera.

Xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres ayaa sheegay in uu aad uga carooday duqeymaha ay Israa’iil ka waddo Qaza, isaga oo ku biiray kooxda cambaareynta caalamiga ah ujeedinaya dalka in ka badan 400 oo haween iyo carruur ah maalmihii la soo dhaafay ay u geysatey Israa’iil.

Dhanka kalena, danjiraha dowladda Shiinaha ee QM FU Cong ayaa yiri,”Shiinuuhu wuxuu aad uga qoomameynayaa waxyeelada loo geystay xabbad joojintii sida adag loogu guuleystay. Waxaan aad uga walaacsanahay oo aanu cambaaraynaynaa colaadda Israa’iil ee dib uga soo cusboonaatay Gaza, waxaanna si adag u dalbanaynaa xabbad joojin joogto ah”.