Warbixin cusub oo loo gudbiyey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in hawlgallada joogtada…

Warbixin cusub oo loo gudbiyey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in hawlgallada joogtada ah ee ciidamada Puntland ka wadaan buuraha Cal-Miskaad ay si weyn u wiiqday awoodda ciidan, dhaqaale iyo dhuleed ee Daacish-ta Soomaaliya oo Qaramada Midoobey hadda ku tilmaantay inay ka harsan tahay inta u dhexaysa 150 iyo 250 xubnood.
Warbixintan oo ah tii 38-aad ee Kooxda Dabagalka Cunaqabataynta Qaramada Midoobay ayaa la soo saaray 10-kii Agoosto 2026, waxaana warbixintaan oo lagu saleeyey xogaha ay soo gudbiyeen dowladaha xubnaha ka ah QM ilaa 9-kii Juun 2026, ayaa lagu xusay in tiradani aysan ahayn tirakoob madax-bannaan oo si toos ah looga sameeyey goobta dagaalka, balse ay tahay qiimeyn ay isku raaceen khubarada kooxda dabagalka.
Sida warbixintu tilmaamayso, inta badan dagaalyahannada Daacish-ta Soomaaliya waxay ku urursan yihiin buuraha Cal-Miskaad, halka awoodda kooxda ee hawlgallada iyo gacan-ku-haynta dhulku ay aad u xaddidan tahay sababo la xiriira cadaadiska joogtada ah ee ciidamada Puntland iyo hawlgallada ka dhanka ah argagixisada ee caalamiga ah.
Qaramada Midoobay ayaa guulaha laga gaaray Daacish si gaar ah ugu xirtay Hawlgalka Hillaac ee ciidamada Puntland, kaas oo ay warbixintu sheegtay in ay taageerayaan saaxiibbo heer gobol iyo heer caalami ah, laguna wiiqay awooddii kooxdaasi oo mar ku dhawaaqatay inay Bariga Soomaaliya ka dhigato saldhiggooda ugu weyn ee mandaqadda.
Qaramada Midoobey waxay sheegtay in marka la tixraaco warbixinta la soo gudbiyey Agoos 2026 ay muujinayso in Daacish aysan dib ugu soo noqon awooddii ay lahayd ka hor intii aan la bilaabin hawlgallada ballaaran ee ka dhanka ah.
Hawlgaladii hore ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada Puntland ay Daacish kala wareegeen dhul ballaaran iyo saldhigyo badan iyadoo haraadiga Daacish oo ah mid gacan ku gabad ah uu hadda ku dhuumaalaysanayo godad ku yaalla togga Laageed ee Buuraleeyda Boosaaso, ayna si joogta ah ula socdaan ciidanka Difaaca Dowladda Puntland.
Warbxiinta ayaa lagu sheegay in hoggaamiyaha Daacish-ta Soomaaliya, Cabdulqaadir Muumin, iyo ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Faahiye ay weli nool yihiin inkastoo aan la xaqiijin goobta rasmiga ah ee ay ku dhuumaalaysanayaan marka laga reebo in la tuhunsan yahay inay kujiraan godad aad u durugsan oo ku yaalla buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari.
QM waxay sidoo kale ka digtay in guulaha laga gaaray kooxda ay dhicisoobi karaan haddii la yareeyo cadaadiska military, iyadoo laga digey in hawlgalka lagu koobo dedaalada dhulka ah ee ay samaynayaan ciidanka difaaca Dowladda Puntland oo weli kujira guluf lagu soo afmeerayo dhaqdhaqaaqa Daacish ee Soomaaliya.
Dhanka kalena, Warbixinta ayaa lagu sheegay dhaqdhaqaaqa dagaalyahannada ajaanibta ah ee ku biirayay Daacish-ta Soomaaliya ayaa isna si weyn hoos ugu dhacay, iyagoo la xusay in kooxda xitaa dadka doonaya inay ku biiraan kula talisay inaysan u safrin Puntland, iyadoo haddana ka digtay in marinadii tahriibka iyo socdaalka sharci-darrada ah dib loogu adeegsan karo soo gelinta dagaalyahanno shisheeye haddii cadaadiska amni uu daciifo.
Waxaa kale oo warbixinta Qaramada Midoobey lagu xusay in kooxdu aysan xilligaan awoodin inay taageero dhaqaale u dirto faracyadeeda kale ee dunida, kadib markii hay’aha ammaanka Puntland ay wiiqeen dhammaan dhaqaalihii kooxdu ka qaadijirtey gudaha gaar ahaan magaalooyinka Boosaaso iyo Qandala oo la sheegay in kooxdu dhaqaale baad ah ka qaadi jirtey.
Qiimeynta guud ee Qaramada Midoobay waxay muujinaysaa in Hawlgalka Hillaac iyo cadaadiska joogtada ah ee ciidamada Puntland ay si weyn u wiiqeen Daacish-ta Soomaaliya, balse aysan weli gebi ahaanba burburin, iyadoo QM adkaysay muhiimadda ay leedahay in la sii wado cadaadiska militari, la xoojiyo xakamaynta marinada ay isticmaalaan dagaalyahannada ajaanibta ah, lana sii wiiqo ilaha dhaqaale ee kooxda si looga hortago inay dib u dhisato awooddeedii.




