Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Tiknoolajiyadda, Dalxiiska, Hiddaha iyo Dhaqanka Dowladda Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa Magaalada…

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Tiknoolajiyadda, Dalxiiska, Hiddaha iyo Dhaqanka Dowladda Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa Magaalada Garoowe ka furay kulan hawleed ay ka qayb galeen 120 qof oo isu jira hawl wadeeno ka socda Hay’adaha dowladda, ururada bulshada rayidka ah, shirkadaha Isgaadhsiinta iyo Jaamacadaha Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.
Kulankaan oo ay iska kaashanayaan Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Tiknoolajiyadda, Dalxiiska, Hiddaha iyo Dhaqanka Dowladda iyo Hay’adda UNDP ayaa waxaa looga hadlayaa sida ay Puntland ugu diyaarsan tahay hanaanka maamulka elektaroonigga ah iyo awoodda ay dawladdu u leedahay ka faa’iidaysiga Tiknoolojiyadda Casriga ah si ay u bixiso adeegyada dadweynaha iyo taaba-gelinta hufnaanta shaqada.
Wasiir Maxamuud Caydiid ayaa sheegay in Puntland ay horumar ka samaysay dhanka isgaadhsiinta casriga ah, ayna haysato fursado aysan haysan dalal badan oo ku yaalla qaaradda Afrika, isagoo tilmaamay in dowladda ay ka go’antahay horumarinta Tiknoolojiyadda iyo inay raacdo dunida horumartay.
“Fursadaha aynu haysano dunida meelo badan oo Africa kujirto ayaan laga haysan, waxaa xeebaha Puntland ka soo gudba saddex fiilo (Cable) oo nooca internetka xambaara ah oo inoo fududaynaysa inaan u guurno hanaanka casriga ah, waxaan rabnaa in dowladda, ganacsiga, waxabrashada, caafimaadka iyo dhammaan wax walba loo raro Tiknoolojiyadda casriga ah”, Ayuu yiri Wasiir Maxamuud Caydiid.



