Qarax ayaa ka dhacay dekedda Shahid Rajaei ee ku taal xeebta koonfureed ee dalka Iran, waxaana u muuqda in tirada dadka dhaawacmay ay sii kordhayso. Dhimashada qaar ayaa sidoo kale la soo sheegay.

Dhowr konteenar oo yaallay deked muhiim ah oo Iran ku taal koonfurta dalka ayaa ku qarxay Sabtidii, sida ay masuuliyiintu sheegeen, iyadoo ay hadda wararku sheegayaan in boqolaal qof ay ku dhaawacmeen ugu yaraan afarna ay ku dhinteen.
Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in qaraxu uu ka dhacay dekedda Shahid Rajaei, oo in ka badan 1,000 km (620 mayl) koonfur ka xigta caasimadda Tehran.
Maamulka ayaan weli soo bandhigin sababta qaraxa ka dambeysay, balse wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay inay bilowday baaritaan ku aadan sida ay wax u dhaceen.
Musiibadan ayaa imaaneysa iyadoo Iran ay wadahadalo ku saabsan barnaamijkeeda Nukliyeerka kula yeelaneyso Mareykanka caasimadda dalka Cumaan wareeggii saddexaad ee wadahadallada.



