Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhintay in ka badan 20 kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay masaajid ku yaal gobolka Homs ee dalka Suuriya.

Weerarka ayaa lala beegsaday Masaajidka Imaam Cali bin Abii Daalib oo ku yaal xaafadda Wadi al-Dahab ee Homs intii lagu jiray salaadda Jimcaha, sida ay ku warantay Wakaaladda Wararka ee Suuriya (SANA).
Qaraxa ayaa u muuqday inuu ka dhacay geeska hoolka salaadda ee ugu weyn masaajidka.
Saraakiisha deegaanka ayaa u sheegay in qaraxa uu ka dhashay qof is qarxiyay ama waxyaabaha qarxa oo halkaas la dhigay.
Warbaahinta dawladdu waxay sheegtay in ciidamada ammaanku ay xireen aagga oo ay baaritaan ku hayaan.

Ma jirin koox sheegatay mas’uuliyadda weerarka, laakiin waxaa la tuhmayaa Kooxda Daacish (ISIS) ee Suuriya. Ciidamada dowladda ayaa howlgal ka sameeyey meel u dhow Aleppo, iyagoo xiray saddex qof oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Daacish.
Toddobaadkii hore, Mareykanka ayaa duqeeyay goobaha ISIS ay ku leeyihiin Suuriya si uu uga aarguto dilkii laba askari oo Mareykan ah iyo turjubaan rayid ah.
Dowlada Suuriya ayaa sidoo kale ku biirtay isbahaysiga caalamiga ah ee ka dhanka ah Daacish bishii Nofeembar, iyagoo ballan qaaday inay burburin doonaan qaybaha harsan ee kooxda.



