Inta la xaqiijiyey hal ruux ayaa ku geeriyoodey laba kalena dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo…

Inta la xaqiijiyey hal ruux ayaa ku geeriyoodey laba kalena dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaarey qarax miino oo maanta ka dhacay meel u dhow garoonka diyaaradaha magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Qaraxa oo haa Miino ayaa lala eegtay gaari NOAH ah oo kusii socday garoonka diyaaradaha degmadaasi, si uu u soo qaado qaad laga keenay dalka dibaddiisa sida goob joogayaal warbaahinta u sheegeen.
Qaraxaan miino ayaa waxaa la xaqiijiyey inuu ku geeriyoodey AUN wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Cumar Carabeey, iyadoo ciidanka ammaanku goobta ka bilaabeen hawlgallo nabad xaqiijin ah.
Labada ruux ee ku dhaawacmay goobta qaruxu ka dhacay ayaa waxaa lagu dabiibayaa Cisbitaalka magaalada Baraawe xarumo ee Gobolka Shabeelada Hoose oo katirsan maamulka Koonfur Galbeed.