Qarax Lagu Burburiyey Qeyb Kamid ah Garoonka Diyaaradaha Buulo-Burte

Published: June 22, 2020

Qaraxyo miino ayaa lagu burburiyay hoolka ay ku nastaan rakaabka garoonka diyaaradaha degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan.

Dhawaqa seddax qarax oo miino ah ayey dadka magaalada xalay saqdhexe ka maqleen garoonka diyaaradaha oo dhawaan dib u dhis lagu sameeyay.

Ma jiro wax khasaaro dhimasho iyo dhawac ah oo ka dhashay qaraxyada, maadaama ay dhaceen xili habeen ah sidoo kalana dhawaanahan garoonka looma isticmaalin diyaaradaha shacabka.

Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa baaritaano ka wada garoonka, mana jiro ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha ciidamaa dowladda Soomaaliya.

Isha Warka – VOA

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *