Qareen Cabdicasiis Maxamed Faarax oo u doodayay eedeysanaha Hodan Maxamuud ayaa sheegay inay qaateen racfaan ka…

Qareen Cabdicasiis Maxamed Faarax oo u doodayay eedeysanaha Hodan Maxamuud ayaa sheegay inay qaateen racfaan ka dib xukunka dilka ah ee ka soo baxay Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gaalkacyo, isagoo tilmaamay in kiiska ay si buuxda uga sii shaqeyn doonaan.
Qareenka ayaa sheegay inay jiraan arrimo badan oo ay doonayaan in dib loogu laabto marka maxkamadda racfaanku ay bilowdo dhagaysiga.
Cabdicasiis wuxuu sheegay in difaacu uusan helin waqti ku filan oo ay iskaga difaacaan eedaha lagu soo oogay, isagoo xusay in kiisaska noocan ah ay u baahan yihiin baaritaan qoto dheer oo ka badan intii la siiyay. Sida uu sheegay, ugu yaraan 15 maalmood ayay u baahnaayeen si ay u diyaariyaan difaac dhamaystiran.
Sidoo kale, qareenku wuxuu ku adkaystay in eedeysanaha Hodan Maxamuud ay qabto xanuun dhimir, taasoo uu sheegay inay caddeymo dheeri ah u hayaan, kuwaas oo ay la hortagi doonaan Maxkamadda Racfaanka Gobolka Mudug marka ay furanto garmaqalka kiiska.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo shalay la aasay meydka marxuumad Saabiriin Saylaan oo muddo 13 maalmood ku jirtay talaagada, kadib markii eheladeedu diideen in la aaso ilaa ay cadaalad buuxda helaan.



