Lix naxash oo ay ku jiraan meydadka oo shan kamid ah lagu xardhay calanka falastiiniyiinta, midna calanka Qatar – ayaa salaada janaasada lagu tukaday Masjidka Imaamka Doha’s Imam Muhammad ibn Abd al-Wahhab.

Dadka la dilay waxaa ka mid ah Badr Saad Mohammed al-Humaidi al-Dosari, oo 22 jir ah oo ka tirsanaa ciidamada amniga Qatar.
Aaska oo dhacay Khamiistii waxaa ka qeyb galay Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani. Waxa uu halkaasi u joogay sidii uu u sharfin lahaa dadkii ku dhintay weerarkii Israa’iil ee toddobaadkan oo gilgilay dalka Qatar.
Weerarka ayaa gelinkii dambe ee Talaadadii ka dhacay deegaanka Lagoon ee Galbeedka magaalada Dooxa. Waxaana lala beegsaday xafiisyadii ay ku shirayeen Madaxda Sare ee Xamaas, oo ka shirayey qorshaha wadahadalada xabad joojinta Gaza.
Qatar ayaa ballan qaaday inay la shaqeyn doonto xulafada gobolka.
Maalmihii u dambeeyay, waxaa magaalada Dooxa booqasho ku tagay madaxda gobolka, Amiiro dhaxal-sugaha ah, Ra’iisul Wasaarayaal iyo wasiirro muujinaya taageerada ay u hayaan Qatar, waxaana ugu caansan madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Mohammed bin Zayed Al Nahyan, iyo hoggaamiyaha Pakistan, Shehbaz Sharif.




