Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in maamulka Trump uu qarka u saaran yahay in uu hadiyad ahaan u aqbalo diyaarad cusub oo Air Force One ah oo ka timid Qatar. Trump ayaa ku tilmaamay heshiiska “wax kala beddelasho hufan,” laakiin dadka dhaleeceeya waxay tilmaamayaan laaluush.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa difaacay qorshaha uu ku doonayo in hadiyad ahaan u helo diyaarad cusub oo nooca raaxada ah oo Boeing, kaddib markii ay warbaahintu sheegtay in uu diyaarad ka heli doono qoyska boqortooyada Qatar, si uu u beddelo diyaaradda hadda uu isticmaalo Madaxweynaha Mareykanka.
Diyaaraddan oo nooceedu ah Boeing 747-8 jumbo jet, ayaa waxaa telefishinka ABC News ku tilmaamay “qasri duulaya”, isagoo sheegay inay suurtogal tahay inay noqon doonto hadyad tii ugu qaalisanayd ee abid ay hesho dawladda Maraykanka.
Dadka dhaleeceeya ayaa sheegaya in aqbalka hadiyaddan oo kale ay jabin karto shuruuc adag oo ku saabsan hadiyadaha madaxweynayaasha Mareykanka iyo in ay soo saarto su’aalo kale oo la xiriira iskahorimaadyada danaha ganacsiga qoyska Trump iyo xafiiska Madaxtooyadda.
Dastuurka Maraykanku waxa uu ka mamnuucayaa saraakiisha dawladda in ay ka qaataan hadiyadaha “Boqor, Amiir ama Dawlad shisheeye.”
Trump ayaa sheegay in xisbiga mucaaradka ah ee Dimuquraadiga uu ku qaldan yahay diidmada hadiyaddan.
Trump ayaa qorsheynaya inuu u safro Sacuudiga, Qatar iyo Imaaraadka Carabta maalmaha Talaadada ilaa Khamiista.