Qatar oo xirtay unugyo ka tirsan ciidamada ilaalada kacaanka Iiraan ee IRGC.

2 days ago

Tehran ayaa weerarro badan ku qaadday Qatar iyo dalalka kale ee Khaliijka tan iyo markii ay bilaabatay weerarrada Mareykanka iyo Israa’iil ee Iiraan Sabtidii.

Qatar ayaa ku dhawaaqday xarigga waxa ay ugu yeertay laba unug oo u shaqeeya Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan (IRGC).

Wakaaladda Wararka Qadar (QNA) ayaa Talaadadii ku dhawaaqday in la xiray toban tuhmane. Toddobo ayaa qaabilsanaa inay basaasaan “xarumaha muhiimka ah iyo kuwa militariga” ee Qadar, halka saddex kalena qaabilsanaayeen inay fuliyaan hawlgallo wax u dhimaya amniga, sida lagu yiri warka kasoo baxay dowada Qadar.

“Inta lagu guda jiray su’aalaha, tuhmanayaashu waxay qirteen inay xiriir la leeyihiin Ilaalada Kacaanka Iiraan iyo in loo xilsaaray hawlgallo basaasnimo iyo falal khalkhal gelin ah,” ayay ku warantay QNA.

Laamaha amaanka ee Qadar ayaa helay goobaha xubnahan ku sugnaayeen iyo qalab xasaasi ah, sida lagu sheegay warbixinta.