Qatar ayaa maanta oo Arbaca ah ku dhawaaqday in ay isu diyaarinayso wejiga labaad ee wada xaajoodka heshiiska xabbad joojinta ee Marinka Gaza, iyada oo xustay in wada xaajoodyadaas “ay dhici karaan in ay bilaabmaan maalin kasta.”

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Qatar Majid Al-Ansari ayaa hadal uu siiyay telefishinka Fox News ee Maraykanka laga leeyahay waxa uu yidhi, “Waxa aanu isu diyaarinayna wejiga labaad ee wada xaajoodka, kaas oo la qorsheeyay in uu bilowdo maalin kasta.
Waxa uu intaasi ku daray “Waxaan rajaynaynaa in wajiga labaad uu u horseedo dib u dhis iyo nabad waarta oo ka dhalata gobolka”.
Waxa kale oo uu carabka ku adkeeyay in ay tahay in aan sii amba qaadno dardargelinta ka dhalatay hirgelinta heshiiska wejigiisii koowaad, isaga oo ammaanay doorka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ka qaatay heshiiska, isagoo yiri, “Haddii aysan ahaan lahayn go’aanka madaxweyne Trump iyo go’aannadiisa ka hor inta uusan xilka la wareegin, heshiiska ma aanan gaarteen.
Waxaa xusid mudan in Qatar ay dhexdhexaadin weyn ka tahay wada xaajoodyadii lagu gaaray heshiiska xabad joojinta iyo maxaabiista la isku weydaarsaday marinka Qaza.
Heshiiska ayaa dhaqan galay 19-kii Janaayo, wuxuuna ka kooban yahay 3 weji, mid walbana wuxuu qaadanayaa 42 maalmood, wejiga koowaad, waxaa la guda geli doonaa wada xaajoodyo lagu bilaabayo wejiga labaad iyo kan saddexaad, iyadoo ay dhexdhexaadinayaan Qatar-Masar iyo Mareykanka.
Horseed Media