Qaybta 1aad ee Qormo Taariikheedka Maamulka Jubbaland.

1 July, 2025

Walaalayaal, sida aan wada og soo nahay adduunkan aan ku noolnahay ma jiro meel la deggan…

Walaalayaal, sida aan wada og soo nahay adduunkan aan ku noolnahay ma jiro meel la deggan yahay oo aan Taariikh lahayn. Meel kasta oo ay dad deggan yihiin waxay leeyihiin Taariikh soo jireen ah oo u gaar ah dadkooda iyo deegankooda iyo dhaqan soo jireen ah oo ay ka dhaxleen awoowayaashooda.

          Dadka Jubbaland ee Soomaaliyeed waxay leeyihiin taariikh facweyn oo hodan ah  oo qiimo badan u leh guud ahaan Dadka Soomaaliyeed gaar ahaanna dadka jecel Jubaland jiritaankeeda iyo horumarkeeda.

          Dadka Jubbaland waxay ka mid yihiin dadka Soomaaliyeed ee halganka dheer u soo maray iska xoraynta gumaysiga ku soo duulay deegankooda qarniyadii hore iyo dadka maanta beenta loo sheegay ee lagu yiri waxaa jira dhul aad leedihiin oo la idinka boobay soo kaca oo aan qabsanee dhulkaasi.

Dagaallada lagu soo qaaday Jubbaland midna laguma guulaysan Waxay noqdeen kuwo laga lahaa danno gaar ah.

Dadkaasi la soo habaabiyay hadday taariikhda Jubbaland akhrisan lahaayeen dagaal kuma soo qaadeen Jubbaland.

            Walaalayaal intaynaan u guda gelin mowduuca qoraalkeena ee ku saabsan Taariikhda Jubbaland. Waxaan wax yar iska weydiinaynaa si aan u fahanno Jubbaland:

 Waa maxay Taariikh ?

 Maxaase loo bartaa Taariikh ?

Jawaabta su’aalahaasi way badan yihiin;   Waxaanse ka soo qaadanaynaa kuwaan hoos ku qoran;

( annigoo og kuna qiimaynaaya dad badan oo Soomaaliyeed in ay aqoon fiican u leeyihiin Taariikhda waxay tahay iyo wax loo barto. Haddana waxaa jira dad badan oo ay maanta ka qaldan tahay Taariikhda Soomaaliya iyo midda dowlad-Goboleedyada qaarkooda ay soo mareen waayadii hore iyo maantaba. Wixii ka dambeeyay dagaalkii sokeeye ee musiibada ahaa ee ka dhacay dalkeenna,waxaa la isku qasay taariikhdii dalka iyo dhaqamadii soo jireenka ahaa.  

Walaalayaal, Taariikhdu: waa Barashada Dhacdooyinkii tagay iyo kuwa maanta taagan. Waa dhaxal Ummadi leedahay, ma ahna wax qofi naceb-yahy ama Qofi jecelyahay, waa dhacdo aan la bedeli Karin mid hore iyo midda maanta taagan.

Taariikhdu: waa baadigoob bulsho iyo raadin isbedeladii ku dhacay; Deegaanada,Dhaqanka, Siyaasadda,Dhaqaalaha iyo Heerarkii Nololeed ay soo mareen bulshooyinkii waayadii hore iyo kuwa manta joogoba. Taariikhu: waa ururinta iyo habaynta waxyabihii hore u dhacay qarniyadii hore ee la soo dhaafay.

Taariikhda: waxaa loo bartaa si loo ogaado wixii shalay naga qaldamay in aan maanta ku saxnno. Wixii shalay qaladka noo keenay in aan mar kale ku qaldamin.

Taariikhda:waxaa loo bartaa in aan ku ogaanno sidii looga xoreeyay dalkeenna  gumaystayaashii gumaystay iyo halgamayaashii u soo halgamay ( Rag iyo Haweenba) xoriyadda maanta aan haysanno. (Taasoo aan uga mahad celinayno xisbigii  S.Y.L. iyo Horseedkii Leegada iyo shacabkii soomaaliyeed ee ka soo qayb qaatay ).

          Walaalayaal,Soomaalidu waxay tiraahdaa : « Taariikhdu:waa tagto tusaale u ah taaganta maantay.“Waxay kaloo Soomaalidu tiraahdaa:  “dad aan aqoonin tagtadoodii hore sidee bay uga talinaayaan timadadooda maantay.” 

 La soco Qaybta 2aad

W/Q. Prof: Maxamed Abshir Cali