Qiimaha batroolka oo kor u dhaafay $100 halkii foosto, iyadoo dagaalka Iran uu sii xoogaysanayo.

9 March, 2026

Qiimaha saliidda cayriin ayaa kor u kacay in ka badan 20 boqolkiiba iyadoo colaadda gobolka ee sii fideysa ay halis gelinayso sahayda tamarta adduunka.

Qiimaha saliidda ayaa kor u kacay $100 halkii foosto iyadoo ay sii kordheyso saameynta dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ku qaadeen wadanka Iiraan.

Duqeymaha lala beegsanayo xarumaha iyo kaydka shidaalka ayaa sababay kor u kaca in ka badan 20 boqolkiiba Axaddii shalay, waxaana hal mar kor ugu kacay $114 halkii foosto, iyadoo cabsi laga qabo inay saameyn xun ku yeelan doonto sahayda tamarta adduunka.

Qiimaha saliidda cayriin ayaa kor u kacay qiyaastii 50 boqolkiiba tan iyo markii Mareykanka iyo Israa’iil ay si wadajir ah u duqeeyeen Iiraan 28-kii Febraayo.

Iiraan ayaa joojisay dhaq-dhaqaaqa marin-biyoodka Hormuz, tilaabadaasi oo hakad gelisay qiyaastii shan meelood meel shidaalka adduunka.

Ciraaq, Imaaraadka Carabta iyo Kuwait, oo ah saddex ka mid ah soosaarayaasha ugu waaweyn ee Ururka Dalalka Dhoofinta Batroolka (OPEC), ayaa hoos u dhigay wax soo saarka kadib xiritaanka marinka Hormuz.