Tusmada Doolarka Mareykanka (USD Index) ayaa markii ugu horraysay taariikhda cusub waxaa ku yimid hoos u-dhac…

Tusmada Doolarka Mareykanka (USD Index) ayaa markii ugu horraysay taariikhda cusub waxaa ku yimid hoos u-dhac qiyaastii 10% tan iyo bilowgii sannadkan 2025.
Guud ahaan suuqyada waaweyn ee Maraykanka dahabka halkii onsi wuxuu saaka marayaa $3,770, Iyadoo kiiladii ay Marayso $121,000, iyadoo qalinka halkii onis uu gaarey $44.
Qiima dhinkaan ayaa waxaa keenay in dawladaha iyo bangiyada adduunku ay si xawli ah u urusadaan dahabka iyo qalinka ayada oo filitaanku yahay in doolarku ugu yaraan uu 10% kale hoos-u-dhici doono inta aan sannadkaan dhammaan.
Dhaqaale xumida soo wajahday Mareykanka iyo imbadan oo kamid ah dalalka reer Gakbeedka ayaa loo aaneynayaa hoos-u-dhaca doolarka ayada oo badbaado laga doonayo Dahabka iyo Qalinka.




