Waxaa maalmihii la soo dhaafay kor-u-kac weyn laga dareemayaa qiimaha maciishadda suuqyada magaalada Boosaaso ee xarunta…

Waxaa maalmihii la soo dhaafay kor-u-kac weyn laga dareemayaa qiimaha maciishadda suuqyada magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, iyadoo ganacsatada iyo dadka isticmaala ay sheegayaan in qiimaha qaar ka mid ah badeecooyinka daruuriga ah uu kordhay marka loo eego qiimihii hore.
Gudaha suuqyada Magaalada Boosaaso kiisha sonkorta ah oo markii hore lagu iibin jiray $27.5 doolar ayaa hadda Boosaaso maraya $32.7 doolar, taas oo muujinaysa koror dhan $5.2 doolar. Sidoo kale, kiishka bariiska ah oo hore u ahaa $23 doolar ayaa hadda lagu kala iibsanayaa $26 doolar.
Dhanka kale, kiishka burka ah oo markii hore lagu iibin jiray $22 doolar ayaa maanta gaaraya $26 doolar. Kororka qiimaha ayaa sidoo kale saameeyay baastada, iyadoo kartoonka baastada ah oo hore u ahaa $9 doolar uu hadda marayo $11 doolar, halka caagga saliidda ahayd oo markii hore lagu iibin jiray $4.5 doolar ay hadda gaartay $5.5 doolar.
Ganacsatada ayaa sheegay in colaadda Bariga Dhexe iyo kororka qiimaha shidaalka caalamka ay sababeen kororka qiimaha maciishadda quutul daruuriga ah ee Magaalada Boosaaso oo ah isha dhaqaalaha Puntland.




