Qiimaha shidaalka caalamka ayaa koru-kac laga dareemay kadib markii ciidanka ilaalada Iran ay weerareen tiro maraakiib…

Qiimaha shidaalka caalamka ayaa koru-kac laga dareemay kadib markii ciidanka ilaalada Iran ay weerareen tiro maraakiib ah oo jebiyey xayiraaddii ay saareen marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Hormuz.
Iiraan oo ka jawaabaysay duulaanka dalalka reer Galbeedku ku soo qaadeen ayaa sheegtay in saddex markab oo laga kala leeyahay dalalka Ingiriiska iyo Maraykanka ay ku garaacday gantaallo.
Guud ahaanba Iran waxay Hormuz ka mamnoocday Maraakiibta shidaalka caalamka marka laga reebo dalalka China iyo Ruushka, xilli ay halkaasi ka gudbaan 20% shidaalka iyo gaaska adduunka caalamka.
Shirkadda Aramco ee Sucuudiga ayaa duqaymo lagu garaacay ku khasbanaatay inay albaabada u laabto kaydadkeeda oo ahaa sifeeyayaasha shidaalka ugu badan ee dalkaasi maalinkiina soo saara 550,000 oo barmiil maalintii.
Guud ahaan qiimaynaha ay sameeyeen suuqyada ganacsiga ee caalamka ayaa tilmaamaya in xilligaan 13% uu kor u kacay qiimaha shidaalka ee dalalka caalamka.



