Qiimaha shidaalka deegaamada Puntland oo kor u kac laga dareemay.

11 March, 2026

Qiima kaca ku yimid shidaalka adduunka oo dhan ayaa durba saamayn ku yeeshay deegaamada Soomaalida, waxaana…

Qiima kaca ku yimid shidaalka adduunka oo dhan ayaa durba saamayn ku yeeshay deegaamada Soomaalida, waxaana qiimaha shidaalku kor u kacay %20.

Deegaamada Puntland ayaa kamid ah aagagga sida weyn looga dareemay kororka qiimaha shidaalka oo horay 1L looga siisan jirey $0.8 haddana uu gaarey $1 taasi oo ka dhigan inuu kacay 20%.

Qaar kamid ah gaadiidleyda Puntland ayaa ganacsatada shidaalka ku eedeynaya in ay si iskood ah u kordhiyeen qiimaha shidaalka, maadaama uusan weli soo gaarin shidalaka cusub.

Arrintaan ayaa timid kadib markii Iran ay xirtay gacanka Hormuz isla markaana ay duqymo ku xirtay wershedihii ugu waaweynaa ee shidaalka u soo saari jirey Wadamada Khaliijka Carabta.