Qiimaha shidaalka dunida ayaa si weyn kor ugu kacay iyadoo xiisadaha Bariga Dhexe ay mar kale cirka isku shareereen, kaddib weerarro lagu qaaday maraakiib shidaal oo Sacuudigu leeyahay iyo hanjabaado cusub oo ka dhan ah Iran. Isla waqtigaas, Maraykanka iyo Sacuudiga ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhinaca tamarta nukliyeerka ah, arrin sii kordhisay dareenka suuqyada caalamiga ah.

Muqdisho – Suuqyada tamarta adduunka ayaa wajahaya walaac hor leh, iyadoo qiimaha shidaalka ceeriin uu gaaray heerkiisii ugu sarreeyay muddo bilooyin ah, kadib markii fallaagada Xuuthiyiinta Yemen ay weerareen laba markab oo shidaal oo laga leeyahay Sacuudiga kuwaas oo marayay Badda Cas.
Shidaalka nooca Brent Crude, oo ah cabbirka ugu muhiimsan ee suuqyada caalamiga ah, ayaa kor u dhaafay 98 doollar halkii foosto, waana markii ugu horreysay ee uu heerkaas gaaro tan iyo bishii Juun.
Xuuthiyiinta, oo taageero ka hela Iran, ayaa toddobaadkan sheegay inay bilaabayaan waxa ay ku tilmaameen “go’doomin dhinaca badda ah” oo ka dhan ah maraakiibta la xiriirta Sacuudiga. Hadalkaasi ayaa sare u qaaday cabsida laga qabo in mar kale la carqaladeeyo isu socodka maraakiibta ganacsiga iyo kuwa shidaalka ee Badda Cas, oo ah marin muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah.
Xiisadda ayaa sii xoogaysatay kadib markii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu soo saaray digniino kulul oo ka dhan ah Iran, isagoo ku hanjabay inuu bartilmaameedsan doono kaabeyaasha muhiimka ah haddii ay sii kordhaan weerarrada lagu beegsanayo maraakiibta ganacsiga iyo danaha Maraykanka ee gobolka.
Dhanka kale, Maraykanka iyo Sacuudiga ayaa ku dhawaaqay heshiis iskaashi oo la xiriira horumarinta tamarta nukliyeerka ee rayidka ah. Inkastoo heshiiska lagu sheegay mid loogu talagalay tamarta iyo horumarinta dhaqaalaha, falanqeeyayaashu waxay rumeysan yihiin inuu qayb ka yahay dadaallada Washington ay ku xoojinayso xiriirka istiraatiijiga ah ee ay la leedahay Riyadh, xilli gobolka uu wajahayo loollan sii xoogeysanaya.
Khubarada dhaqaalaha ayaa ka digaya in haddii weerarrada ka socda Badda Cas iyo marin-biyoodka Bab al-Mandab ay sii socdaan, ay sare u sii kici karaan qiimaha shidaalka, taas oo saameyn ku yeelan karta sicir-bararka, qiimaha gaadiidka iyo dhaqaalaha caalamka.
Badda Cas iyo marin-biyoodka Bab al-Mandab ayaa ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ee ay maraan maraakiibta shidaalka iyo badeecadaha u kala goosha Yurub, Aasiya iyo Bariga Dhexe. Carqalad kasta oo ka dhacda halkaasi waxay si degdeg ah u saameyn kartaa suuqyada tamarta iyo silsiladaha ganacsiga adduunka.
HM




