Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka ayaa dhaleeceeyay rabshadaha dilalka u badan ee ay ciidamada…

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka ayaa dhaleeceeyay rabshadaha dilalka u badan ee ay ciidamada Israa’iil ka geysanayaan Marinka Qasa iyo qaybo kale oo kamid ah dhulka Falastiin.
“Daanta Galbeed, heerka sare ee rabshadaha dhulka la deegaameeyey ayaa sii socda waxaana ay keentay dhimasho, dhaawac iyo khasaare hanti iyo wiiqidda nolosha Falastiiniyiinta iyo hab-nololeedyada meelo badan,” Ayaa lagu yiri qoraalka xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay .
Dhanka kalena, xafiiska ayaa sheegay in miltariga Israa’iil ay iska sii wataan dilalka shacabka Falastiin iyo beegsiga goobaha ay ku dhuumaalaysanayaan shacabka ka soo cararay duqaymaha.
Sida laga soo xigtay OHCHR, 192 carruur ah ayaa kamid ah noqday dadka ay ciidamada Israa’iil ee ku sugan Daanta Galbeed tan iyo markii uu billowday xansuuqa Marinka Qasa.



