QM oo dalbatay in kormeerayaasha loo oggolaado dhammaan deegaannada Gaza.

Qaramada Midoobay ayaa dalbatay in baarayaasha iyo kormeerayaasha caalamiga ah loo oggolaado inay si buuxda u…

16 September, 2026

Qaramada Midoobay ayaa dalbatay in baarayaasha iyo kormeerayaasha caalamiga ah loo oggolaado inay si buuxda u galaan dhammaan deegaannada Gaza, si loo baaro meydadka laga soo saarayo burburka dhismayaashii ku dumay dagaalka iyo in la ilaaliyo caddeymaha la xiriira dhacdooyinka laga yaabo inay jebiyeen sharciga caalamiga ah, Xilli wakiilka Sare ee QM u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha, Volker Türk, uu sheegay in xaaladda meydadka laga helayo burburka ay muujinayso baahida loo qabo baaritaan madax-bannaan.

Warbixin ay daabacday Reuters ayaa lagu sheegay in in ka badan 630 meyd laga soo saaray burburka dhismayaal ku yaalla Gaza, iyadoo qaar badan oo ka mid ah dadka la helay ay yihiin haween iyo carruur, waxaana la sheegay in xaaladaha qaar ay u muuqdaan inay yihiin qoysas dhan, iyadoo QM ay walaac xooggan ka muujisay in haddii burburka la qaado ama la burburiyo ka hor inta aan la sameyn baaritaanno dhinaca dembi-baarista ah, ay lumi karaan caddeymo muhiim u noqon kara xaqiijinta sida ay dadku u dhinteen.

Türk ayaa sidoo kale ku adkeystay muhiimadda ay leedahay in meydadka si habboon loo ilaaliyo, la aqoonsado dhibbanayaasha, lana diiwaangeliyo goobaha lagu aasayo, si qoysaska loogu sheego halka ay ku dambeeyeen eheladooda. Arrintan ayaa si gaar ah muhiim u ah iyadoo kumannaan qof weli la rumeysan yahay inay ku hoos jiraan burburka dhismayaasha Gaza.

Digniinta QM ayaa sidoo kale la xiriirta burburinta dhismayaasha iyo ka saarista burburka iyadoo aan marka hore la hubin in goobahaasi ay xambaarsan yihiin caddeymo la xiriira dhimashada dadka, xilli horay khuburo ka socota QM uga digeen in burburinta ama nadiifinta degdegga ah ee goobaha dagaalku ay dhaawici karto caddeymaha loo baahan yahay baaritaannada mustaqbalka.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza, oo ay maamusho Xamaas, ayaa sheegtay tirada Falastiiniyiinta lagu dilay dagaalka tan iyo 2023 ayaa kor u dhaaftay 73,000 qof, halka Israa’iil ay diidday eedeymo badan oo ku saabsan jebinta sharciga caalamiga ah, iyadoo sheegtay inay bartilmaameedsato kooxaha hubeysan ayna dadaal sameyso si ay uga fogaato waxyeellada dadka rayidka ah.