Golaha xuquuqul Insaanka ee Jimciyadda Quruumaha ka dhexaysa ayaa soo saaray qaraar ay ku cambaareynayaan duqeymaha…

Golaha xuquuqul Insaanka ee Jimciyadda Quruumaha ka dhexaysa ayaa soo saaray qaraar ay ku cambaareynayaan duqeymaha kasoo cusboonaaday marinka Qasa ee ay wadaan Milatariga Israa’iil.
Golaha ayaa sidoo kale waxa uu si deg deg ah u dalbaday in talisku ka hortago xasuuqa iyo inuu si dhaqso ah u qaado go’doominta sharci darrada ah ee uu ku hayo dhulka Falastiin.
Qaraarkan ayaa lagu ansixiyay 27 ka mid ah 47-da mudane ee golahaasi ka kooban yahay, afar mudane way diideen, 16 mudanena way ka aamuseen. Qoraalka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay “xadgudubka Israa’iil ee heshiiska xabbad joojinta.”
Qaraarkaan ayaa ku soo beegmaya xilli ay Israa’iil beegsatay goob caafimaad oo ay Qaramada Midoobey maamusho kuna dishey in ka badan 80 qof oo halkaasi gabbaad ka dhiganayey.



