Xafiiska siyaasadda QM ee Somalia ayaa si adag uga hadlay burburka wadahadaladii dhinacyada siyaasadda Somalia ee…

Xafiiska siyaasadda QM ee Somalia ayaa si adag uga hadlay burburka wadahadaladii dhinacyada siyaasadda Somalia ee Muqdisho, iyadoo shaacisay in dalku galay marxalad kala guur ah.
“Kadib wadahalladii dhacay 13–15 May, UNTMIS waxay ku ammaanaysaa dhinacyada dib u bilaabista wadahadallada, waxayna ka mahadcelinaysaa dadaallada ay bixiyeen saaxiibbada caalamiga ah ee taageeray wadahadallada,Si kastaba ha ahaatee, waa wax laga xumaado in mar kale ay kulamadu kusoo dhammaadaan iyadoo aan xal loo helin khilaafaadkii taagnaa. Bahda QM waxay hoosta ka xarriiqaysaa sida ay dhinacyadu u muujiyeen ka go’naanshaha sii wadista wadahadalka iyo helidda xal wax ku ool ah.”
Dhanka kalena, QM ayaa sheegtay,“Haddaba, iyadoo Soomaaliya ay gelayso xilli kala-guur ah, bahda UNTMIS waxay rajaynaysaa in, inta lagu jiro marxaladdan, Dawladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaanta siiso la-tashiga dhammaan daneeyayaasha si la isugu raaco qaab-doorasho oo la fulin karo, dadkana midayn kara.”
Ugu dambayntiina QM ayaa ka hadashay abaaraha kajira dalka, “Hawlgalka QM wuxuu kaloo ugu baaqayaa Soomaalida inay u midoobaan wax ka qabashada dhibaatada bini’aadantinimo ee ba’an ee dalka ka jirta iyo khatarta joogtada ah ee ay argagixisadu ku hayso Soomaaliya.”




