Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOM ayaa walaac xooggan ka muujiyey burburka wadahadaladii dowladda…

Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOM ayaa walaac xooggan ka muujiyey burburka wadahadaladii dowladda federalka ah ee Somalia iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.
Qoraal ka soo baxay UNTMIS ayaa lagu muujiyey walaaca Qaramada Midoobey iyo beesha Caalamka, waxaana loogu yeeray dowladda iyo golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed inay sii wadaaan wada-xaajoodyada.
“UNTMIS waxay aad uga xun tahay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ay ku guul darreysteen inay heshiis ka gaaraan wadahadalladii ilaa hadda dhacay”, Ayey tiri UNTMIS.
Xafiiska ayaa intaasi ku daray,”Hoggaanka UNTMIS, oo ay weheliyaan saaxiibbada kale, waxay maanta kulan la qaateen wakiillo sare oo ka kala socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.”
“Waxaan soo dhoweynaynaa sida ay labada dhinacba uga go’an tahay inay sii wadaan dadaallada loogu raadinayo xal, Waxaan si adag ugu dhiirigelinaynaa in wadahadalka lagu sii wado niyad-sami, Annaga iyo saaxiibbada kale, waxaan diyaar u nahay inaan gacan ka geysanno dadaallada Soomaalida ee lagu raadinayo tanaasul laga gaaro arrimaha wali taagan”, Ayaa lagu yiri qoraalka UNTMIS




