QM oo xafiisyadeedii dalka ku wareejinaysa maamul Goboleedyada iyo DFS.

30 November, 2025

Qaramada Midoobay ayaa bilaawday in xafiisyadeeda Soomaaliya ugu wareejiso dowlad-goboleedyada iyo Dowladda Federaalka, iyada oo hirgelinaysa…

Qaramada Midoobay ayaa bilaawday in xafiisyadeeda Soomaaliya ugu wareejiso dowlad-goboleedyada iyo Dowladda Federaalka, iyada oo hirgelinaysa go’aankii lagu joojinayey xafiiska taageerada kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, kaas oo shaqadiisu ku egyahay Oktoobar 2026. Tallaabadan ayaa qayb ka ah in masuuliyadda taageerada dowlad-dhiska dalka loo wareejiyo hay’adaha dawliga ah ee maxalliga ah.

Dowladda Galmudug ayaa si rasmi ah ula wareegtay xaruntii hore ee Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee gobolka, munaasabad uu guddoominayay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye. Madaxweynaha ayaa sheegay in xaruntani ay muhiim u tahay xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha caalamiga ah iyo Dowladda Galmudug, isagoo hoosta ka xariiqay in maamulka Galmudug diyaar u yahay inuu qaato masuuliyadda howlaha loo gudbinayo.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sidoo kale ugu baaqay hay’adaha kale ee Qaramada Midoobay inay ka faa’iideystaan xarumaha loo diyaariyey, si kor loogu qaado adeegyada bulshada reer Galmudug. Wuxuu xusay in taageerada QM ay kaalin weyn ku leedahay amniga, horumarinta iyo dhismaha hay’adaha dowliga ah ee maamulka.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, oo sheegay in wareejinta xafiisyadu ay qeyb ka tahay qorshaha lagu xoojinayo awoodda dowlad-goboleedyada. Swan ayaa ballanqaaday in QM ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Galmudug inta uu socdo kala-guurka shaqooyinka lagu wareejinayo dowladda Soomaaliya.