Madaxweynayaasha maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kulamo siyaasadeed ka bilaabay Magaalada Muqdisho, xilli Villa…

Madaxweynayaasha maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kulamo siyaasadeed ka bilaabay Magaalada Muqdisho, xilli Villa Somalia isu diyaarinayos hirgelinta hanaanka doorashooyinka qof iyo cod.
Ilo wareedyo ka agdhaw madaxda labada Maamul ayaa Horseed Media u xaqiijiyey inay kulamo la qaateen Madaxweyneyaashii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo xubno kale.
Kulamadaan ayaa looga arrinsanayey xaaladda siyaasadeed ee dalka, arrimaha doorashooyinka iyo sidii loo xallin lahaa khilaafka u dhexeeya madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladdiisa.
Hoggaamiyayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo muddo xiloodkoodu dhammaaday ayna muddo kordhin u samaysay DFS, ayaa waxaa horay u dhisay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo xilligii xukuumaddii Nabad iyo Nolol.



