Qorshaha Donald Trump uu soo jeediyey ee lagu soo afjarayo dagaalka Gaza ayaa wuxuu kala hadlay Isniintii shalay Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu oo isagu sheegay inuu aqbalay, waxaana hada jawaab laga sugayaa Xamaas.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo qorshahan kasoo shaqeeyey ayaa sheegay inay ku taageerayaan dalalka Carabta iyo Islaamka oo uu hogaamiyayaashooda la kulmay intuu socday shirkii Qaramada Midoobay.
Netanyahu oo shalay markii 4aad ee sanadkan looga yeeray Aqalka Cad ayaa saacado kadib wadahadal uu la galay Trump ku sheegay shirkooda jaraa’iid in uu aqbalay, walow uu shuruudo uga dhigay in gebi ahaan meesha laga saaro awooda ururka Xamaas iyo inaysan mustaqbalka qeyb ka noqon maamulka dhulkaasi loo sameyn doono.
Qodobada ugu muhiimsan ee qorshahan ayaa waxaa kamid ah in Xamaas ay siideyso dhamaan maxaabiista nool iyo meydadka ay ka heystaan Israa’iil, 48saac ugu horeeya marka heshiiska la saxiixo.
Israa’iil ayaa dhankeeda siideyn doonta 250 maxaabiis reer Falastiin ah oo ay horey ugu xukumeen xabsi daa’in iyo 1500 kamid ah dadkii rayidka ahaa ee laga qabtay Gaza, sidoo kale Israa’iil ayaa sheegtay inay siideyn doonto qaar kamid ah meydadkii reer Falastiin oo ay ka qaateen Gaza.
Ururka Xamaas ayuu qorshahan sheegayaa in gebi ahaan hubka laga dhigo, isla markaana aysan qeyb ka noqon doonin maamulka Gaza, iyadoo isbedalo lagu sameyn doono sidoo kale maamulka Falastiin ee Daanta Galbeed. Hogaamiyayaasha Xamaas ayaa la sheegay inay sii joogi karaan Gaza hadii ay nabada qaadanayaan, halka kuwa doonaya inay halkaasi isaga baxaan lasiin doono wado ay ku tagaan dalal kale oo aan la shaacin.
Gaza ayaa la sheegay in loo dhisi doono Guddi maamul oo kumeel gaar ah oo uu hogaamin doono Madaxweynaha Mareykanka Trump iyo xubno kale oo caalami ah, iyadoo amaanka iyo dib u dhiska Gaza ay damaanad qaadayaan dalalkaasi Caalamiga ah oo ay ku jiraan kuwa gobalka.
Ciidamada Israa’iil ayaa ka bixi doona Gaza, walow ay Israa’iil ku adkeysatay inay ciidamadooda sii joogi doonaan xaduuda Gaza si ay amnigooda u sugaan. Trump ayaa meesha ka saaray qorshihii Netanyahu ee ahaan in Israa’iil ay gebi ahaan la wareegaan dhulka Gaza. Trump ayaa sheegay in la gaaray xiligii nabada la qaadan lahaa.
Shacabka ku dhaqan Gaza ayaa loo ogol yahay inay dhulkooda sii joogaan, iyadoo dadkii barakacay loo ogolaanayo inay dhulkooda dib ugu soo noqdaan.
Qorshahan ayaa la sheegay in uu gacan ka geystay machadka Tony Blair Institute for Global Change, oo uu maamulo ra’iisul wasaarihii hore ee UK.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Mr.Blair – oo ah siyaasi si weyn looga neceb yahay Barriga Dhexe, sababtoo ah taageeradii uu u fidiyay duulaankii Mareykanka ee Ciraaq 2003 – uu kamid noqon doono hogaanka maamulka Ku-meel-gaarka ah ee Gaza, sida uu Trump laftiisa ku sheegay shirka jaraa’iid.
Maamulkan Kumeel gaarka ah ee Gaza (GITA) waxa ay gacanta ku hayn doonaan dhawr sano ilaa maamulka falastiiniyiinta lagu qiimeeyo in ay buuxiyeen shuruudihii loo baahnaa.
Mareykanka ayaa la yimid qorshahan cusub maamlo kadib markii qaar kamid ah dalalka reer Galbeedka ee xulafada la ah sida; UK, Canada, Australia, Portugal, France, Belgium, Luxembourg, Malta, Liechtenstein, iyo New Zealand ay aqoonsadeen dowlada Falastiin.




